Allbanaadir.com
NEWS

Askar hor leh oo laga dilay Ciidamada Isreal iyo tirada dhimashada guud oo gaartay…

Ciidamada milatariga Isreal ee dagaalka kula jira dagaalyahannada kooxda Xamaas ayaa khasaarooyin kala duwan kala kulmaya duullaanka cir iyo dhul ay ku qaadeen magaalada Gaza ee dhulka Falastiin.

Dagaal culus oo shalay waqooyiga magaalada Gaza ku dhax maray ciidamada Isreal iyo Xamaas ayaa dhaliyay khasaarooyin kala duwan, waxaana milatariga Israel dagaalkaasi kasoo gaaray khasaaro xooggan.

Labo askari oo katirsanaa ciidamada Israel oo da’dooda lagu kala sheegay 20 iyo 26-sanno jir ayaa lagu dilay dagaal shalay ka dhacay waqooyiga Gaza, waxaa sidoo kale dagaalkaasi lagu dhaawacay askar kale.

In ka badan 383 askari oo kamid ah ciidamada Israel ayaa la dilay lixdii todobaad ee la soo dhaafay, waxaana askartan badankood lagu dilay weerarkii 7-dii Oktoobar ay Xamaas ku qaadday gudaha Israel.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xisbullaah oo War kasoo saartay Geerida Hoggaamiyahooda Xasan Nasrallah

Cabdi Cade

Israel oo hub laga mamnuucay Caalamka ku duqeynaysa shacabka Falastiin

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo shaacisay Magaca Sarkaal ku dhintay qarax saaka ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---