Tirada askarta Isreak looga dilay dagaalka ka socda gudaha Gaza oo korortay

Magaalada Gaza ee dhulka Falastiin waxaa ka socda dagaal toos ah oo u dhaxeeya ciidamada Isreal iyo dagaalyahannada Xamaas, waxaa sidoo kale magaalada ku socda duqeymo culus oo lagu garaacayo.

Ciidamada Isreal ayaa khasaaro xooggan kasoo gaaray duullaanka ay ku qaadeen magaalada Gaza, waxa ayna ciidamada la kulmeen iska caabin xooggan oo kaga timid dhinaca kooxda Xamaas ee maamusha Gaza.

Milatariga Isreal ayaa shalay qirtay in labo askari oo hor leh looga dilay howlgalka dhulka ah ee ku qaadeen magaalada Gaza, waxaa sidoo kale jira askar kale oo badan oo lagu dhaawacay howlhalka.

Warbaahinta Isreal ayaa shaacisay in tirada ciidamada Isreal ee lagu dilay howlgalka dhinaca dhulka ah ee Gaza ka socda hadda gaartay 44-askari,waxaana jira askar kale oo dhaawacyo culus qaba oo laga cabsi qabo in ay u geeriyoodaan.

Dagaalka ka socda magaalada Gaza ayaa la filayaa khasaaraha kasoo gaaraya ciidamada Isreal sii kordhaan, kooxda Xamaas ayaana ku jirta dagaal xooggan ay isaga caabinayaan duullaanka ciidamada Isreal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -