Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dayuuradaha Israel oo garaacay xarunta ugu weyn Q/Midoobay ee Gaza (Sawirro)

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta ee UNDP ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay wararka sheegaya in duqeymo khasaare geystay ay ka dhaceen xarunta ugu weyn ee Qaramada Midoobay ku leedahay magaalada Gaza.

Warbixin ay soo saartay, UNDP waxay ku sheegtay in la duqeeyey xarunta ay maamulaysay Barnaamijkeeda Kaalmaynta Shacabka Falastiin ee UNRWA.

Madaafiicda ayaa la sheegay in ay ka dhasheen khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac ah oo aad u badan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“6-dii Nofembar UNDP waxay sheegtay in dhowr boqol oo qof oo magangalyo doon ah ay galeen xarunta, waxaana jira calaamado muujinaya in tiradani ay aad u korodhay,” ayay raacisay.

UNDP waxay tiri: “Masiibada joogtada ah ee dhimashada iyo dhaawaca ee soo gaartay dadka rayidka ah ee ku xayiran colaaddan waa wax aan la aqbali karin, waana in la joojiyo. Dadka rayidka ah, kaabayaasha rayidka iyo ku xad-gudubka xarumaha Qaramada Midoobay, waa in la ixtiraamo oo la ilaaliyo mar kasta. Sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada, oo ay ku jiraan mabaadi’da kala-soocidda, saami-qaybsiga, iyo taxaddarka, waa in la ixtiraamaa oo la dhowraa” ayaa lagu yiri qoraalka UNDP

Related posts

Toban Wasiir oo laga cabsi qabo in ay toos ugu biiraan Khilaafka Farmaajo iyo Rooble

Cabdi Cade

Generaal Sheegow oo ka hadlay dil la sheegay in Ilaaladiisa u geesteen Gabar Ardayad ah

Cabdi Cade

Sargaal sare oo katirsanaa kooxda Al Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka DF (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---