Halka laga keenay ciidankii Milateriga ee shalay galay Xarunta golaha shacabka oo la ogaaday

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya taliska ciidamada Xoogga dalka uu la noqday ciidamadii milateriga ee ilaalada u ahaa guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Ciidankan ayaa lagu heystaa inay qeyb ka noqdeen falkii shalay ka dhacay xarunta Baarlamaanka, iyadoo la sheegay in taliska Milateriga uu dhammaan qabqabtay ciidamo la sheegay inay qabsadeen xarunta Baarlamanka oo ka tirsanaa ilaalada xarunta Villa Hargeysa.

Ilaaladii Guddoomiye Jawaari ee milateriga ahaa, kana tirsanaa ururka 60aad ayaa la sheegay in laga qaaday xalay xarunta Guddoomiye Jawaari ee Villa Hareyesa.

Sidoo kale, warar laga soo xigtay Saraakiisha miateriga qaarkood ayaa sheegaya in ciidamada milateriga ee ilaalada u ah Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamanka Mahad Cabdalla Cawad iyana lala noqonayo saacadaha soo socda.

Labadan masuul ayaa ciidamada lagala noqday waxaa loogu bedeli doonaa Ciidamo kale oo aan ka tirsaneyn xoogga dalka sida Saraakiisha milateriga laga soo xigtay inkastoo aysan sheegin halka ay ka iman doonaan.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Jen. Gorod ayaa shalay sheegay in ciidamada gudoomiye Jawaari ku qabsaday xarunta Baarlamanka ay ahaayeen ciidamo aan u diiwaan gashaneyn dowlada, balse baaritaan la sameeyey ayaa markii dambe lagu ogaaday iney ka tirsanaayeen Milateriga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -