Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo kormeeray goobo ay biyo dhigeen Roobabkii ka da’ay Muqdisho

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeer ku tagay goobaha ay biyo dhigeen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay  Muqdisho, asigoona warbixin ka dhageystay Guddiga maareynta & xal u helida saameynta uu reebay Roobabkaasi.

Guddiga ayaa sheegay in inta badan goobihii ay biyo dhigeen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay Magaalada la maareeyay, goobaha harsanna la maareyn doonno waqtiyada soo socda, iyadoona sidoo kale ay socdaan shaqooyinka dib-usoo celinta bilicda iyo Nadaafada Magaalada Muqdisho.

Duqa Magaalada ayaa faray Guddiga in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu shaqeeyo goobaha ay biyo dhigeen roobabka daadadka watay ee ka da’ay Magaalada Muqdisho, sidoo kale in dib loosoo celiyo bilicda Caasimadda iyo in la gar-gaaro dadka ay saameynta ku yeesheen roobabkii da’ay.

Ugu danbeyn Duqa Muqdisho ayaa Guddiga heer Gobol ugu baaqay in loo diyaar garoobo Allaha naga najeeyee xaalad kasta oo soo kordha, taasi oo ku saabsan saadaasha laga bixinayo roobabka daadadka wata ee El-Nino oo weli kusoo wajahan qeybo ka mid ah dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo weerar khasaaro geestay ka fulisay gudaha dalka Kenya

Cabdi Cade

Xasan Shiikh: “Dacwada badda waxay taagan tahay halkii aan uga tagnay 4 sano ka hor”

Caydiid Ali

Agaasimihii Somali Cable TV oo ku geeriyooday qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---