Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirad Khadiijo Al-Makhzoumi oo la gudoonsiiyey abaalmarinta ASO Award (Sawirro)

Midowga Afrika ayaa abaalmarinta ASO Award oo la xiriirta ilaalinta arrimaha deegaanka iyo isbeddelka cimilada guddoonsiiyay Wasiirka deegaanka iyo isbadalka cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, munaasabaddaas oo ay kasoo qayb galeen hay’ado caalami ah iyo qaar kamid ah dalalka Afrika iyo kuwa caalamka ayaa ka qabsoontay xarunta Midowga Africa ee Addis Ababa.

Abaalmarintan waxaa  Wasiir Khadiija kula tartamay sideed xubnood oo masuuliyiin ka ah qaar kamid ah dalalka Afrika, waxaana si rasmi ah ugu guulaysatay Wasiir Khadija, iyadoo dhamaan hay’adihii iyo madaxdii ka qayb galay ay Wasiir Khadiija ku amaaneen dedaalkii ay muujisay mudadii ay koobnayd ee ay Soomaaliya u qaabilsanayd Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada.

Wasiirka Deegaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiija Makhzoumi ayaa u mahadcelisay dhammaan hay’adihii kulanka kasoo qeyb galay, waxayna si rasmi ah u ballan qaaday in ay sii xoojinayso dadaalkeeda la xiriira ilaalinta deegaanka iyo la socoshada isbedelka cimilada Soomaaliya, Africa iyo adduunka intiisa kale, si looga hortago dhibaatooyinka ka dhasha isbedelka cimilada.

Related posts

Soomaalida ku nool Magaalada Nazareth oo ay soo wajahday qatar iyaga u gooni ah

Caydiid Ali

Gabar Wariye ah oo Isbitaal ku umushay iyada oo Barnaamij toos ah tabineysa (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Jilaa naxdin ka qaaday ciyaar looga badiyey Xulka dalkiisa oo geeriyooday (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---