Allbanaadir.com
NEWS

Gabar Wariye ah oo Isbitaal ku umushay iyada oo Barnaamij toos ah tabineysa (Daawo Sawirro)

Gabar Wariye ah oo ka shaqeeneysay idaacadda Arch ee ku taala magaalada St Louis ee dalka Mareykanka ayaa barnaamij ka baxa idaacadaasi si toos ah u tabisay xili ay fool aheyd kuna sugneyd Isbitaal.

Cassiday Proctor, ayaa tabisa barnaamij subaxii ka baxa Idaacad ay ka howl gasho , waxaana gabadhan Wariyaha ay fool qabatay maalintii talaadada ah iyadoona barnaamijkii ay tabin jirtay si toos ah looga soo baahiyay Isbitaalka ay ku foolaneysay.

Maamulka Idaacadda gabdhan wariyaha ah ay ka howlgasho ayaa waxa ay isbitaalka kala shaqeeyeen sidii ay halkaasi ugu umuli lahayd islamarkana looga tabin lahaa barnaamijka subax la ah.

Gabadha Wariyaha ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay in ay barnaamijkeeda ka tabiso isbitaalka xili ay qolka qaliinka ku jirto foolna aheyd, waxa ayna tilmaantay in tilaabadan ay tahay mid dhiro galin leh.

“Qofka in uu u umulo isaga oo hawada ku jira waa wax aan caadi ahayn, waxa ay ahayd mid xiiso badan in ay noo suuragasho maalintii iigu farxadda badnayd in aan la wadaagno dhagaystayaasheena,” ayay tiri Ms Proctor.

Wiilka ay dhashay gabadhan wariyaha ah ayaa loo bixiyay magaca Jameson, waxaana magac bixinta wiilkan ku tartatamy dhageestayaasha Idaacada ay ka howlgasho Cassiday Proctor.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Beel ka digtay Dhul boob ka socdo deegaanka Jaziira (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo soo saartay habraaca Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada (Akhriso)

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay in Hoggaamiye katirsanaa Al Shabaab isku soo dhiibay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---