Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xamse oo gudoomiyey Kulankii u horeeyey ee Golaha casriyeynta Somalia (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray waajibaadka looga fadhiyo xubnaha Golaha Hannaanka Casriyeynta taabogalinta hannaanka casriga ah ee la hiigsanayo in jiho cusub u horseedo nidaamka dowliga ah ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska kaabayasha dhaqaale iyo amni.

Golahan ayaa looga gol-leeyahay in lagu dhiso, laguna kobciyo isbeddel horseedaya Horumar waara.

Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya ayaa abuuraya  dadaalo isku dhafan oo ay qeyb ka yihiin dhammaan Wasaaradaha Xukuumadda, Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka, Saaxiibada Caalamiga ah, Ururrada aan Dowliga ahayn, Ganacsatada iyo Bulshada Rayidka ah, si loo hagaajiyo Maamulka, sare loogu qado Horumarinta Dhaqaalaha, daryeelka bulshada iyo in la dhiso kaabayaasha dhaqaalaha.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Xasaasi ah la qaatay qaar kamid ah Safiirada Yurub u jooga Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladaha Saudi Arabia iyo Iran oo qaaday talaabo kale oo lama filaan ah

Caydiid Ali

Weerar Khasaaro geestay oo ka dhacay magaalada Kismaayo iyo Howlgalo socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---