Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mareykanka oo Xamaas ka codsaday iney aqbasho xabad joojin ay Israel soo jeedisay

Xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay Isniintii inuu ku rajo weyn yahay in Xamaas ay aqbasho, waxa uu ugu yeedhay, dalabka “deeqsinimada ah ee aan caadiga ahayn” ee Israa’iil, kaas oo ku saabsan, heshiis xabbad-joojineed oo laga gaadho colaadda Qaza iyo in la sii daayo la haystayaasha Israa’iil.

“Xilligan la joogo, waxa ay sugayaan shacabka Qaza iyo heshiis xabbad-joojineed oo la gaadho waa Xamaas” ayuu ka sheegay Blinken oo ku sugan Riyadh, isaga oo safar ku gaalaa bixinaya dalalka bariga dhexe, si xal natiijo looga gaadho wadahadalada socda ee la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil.

Wefti ka socda Xamaas ayaa Isniintii gaarey dalka Masar, halkaas oo Qatar ay isku dayayso inay xal u hesho dagaalka Qaza iyo sidii loo sii dayn lahaa maxaabiista xiran.

Dhinaca kale Blinken ayaa ka sheegay Riyadh, inay meel gebogebo ah marayso, heshiis dhinaca amniga ah oo ay la gelayaan Sucuudiga, kaas oo la dhamaystiri doono haddii Sucuudigu uu heshiis nabadeed la galo Israa’iil.

Wasiirka ayaa intaas raaciyey in labadii bilood ee ugu dambeeyey ay labada dal, ka wada shaqeeyey hawlo culculus, oo ku aaddan, sidii loo hagaajin lahaa xiriirka Israa’iil iyo Sucuudiga.

Xigasho: VOA

Related posts

Dowlad weyn oo ugu deeqday 31-Milyan oo Dollar dalka Afganistan oo ay ka taliso Taalibaan.

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo caawa tagay xarunta Safaarada Imaaradka lana kulmay Axmed Jumca

Cabdi Cade

Xaaf oo Shaaciyay Cida ka dambeeysay dadkii lagu laayay Koonfurta Gaalkacyo

Cabdi Cade