Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxkamad xabsi dheer ku xukuntay gabar uu dhalay Saddam Xuseen

Maxkamad ku taalla magaalada Baqdaad ayaa Axaddii iyada oo maqan toddoba sano oo xarig ah ku xukuntay gabadha dibad-jooga ah ee uu dhalay kaligii-taliyihii hore ee Ciraaq Saddam Xuseen, sababo la xiriira inay “buun-buunisay” xisbiga Bacath ee aabaheed.

Xisbiga ayaa la kala diray oo la mamnuucay kadib markii Sadaam xukunka looga tuuray 2003-dii duullaankii uu Maraykanku hogaaminayey ee lagu qaaday Ciraaq.

Sida ku cad xukunka, oo wakaaladda wararka ee AFP ay u suurta-gashay in ay dib u eegto, Raghad Saddam Xuseen ayaa lagu helay dambiga ah “sare u qaadidda dhaq-dhaqaaqyada xisbiga Bacath ee la mamnuucay,” intii lagu guda jiray waraysiyo taleefishin oo ay bixisay 2021-kii.

Dalka Ciraaq maanta, qof kasta oo soo bandhiga sawirro ama halku dhigyo uu ku xayeysiinaayo maamulkii la riday, waxaa lagu soo oogi karaa dacwad.

Xukunku ma tilmaamayo kuwa ay yihiin waraysiyada loo xukumay Raghad.

Balse sanadkii 2021, Raghad ayaa la hadashay kanaalka Al-Carabiya ee Sucuudigu leeyahay, waxayna ka warrantay xaaladihii Ciraaq ee xukunkii gacanta birta ahaa ee aabaheed, intii u dhaxaysay 1979 ilaa 2003.

“Dad badan ayaa ii sheegay in muddadaas ay runtii ahayd waqti sharaf iyo karaamo leh,” ayay u sheegtay kanaalka Sacuudiga. “Dabcan, dalku wuxuu ahaa mid xasilloon oo qani ah.”

Raghad waxay ku nooshahay dalka Urdun, iyada iyo walaasheed Rana. Walaalahood Uday iyo Qusay, waxay ciidamada Maraykanku ku dileen magaalada Mosul, sannadkii 2003-dii.

 

Related posts

Ciidankii ka dambeeyey dilka taliye Maxaadey oo xabsi lagu guray & baaritaano socda

Caydiid Ali

Canshuurta laga qaado Shacabka Muqdisho oo la Musuq maasuqo iyo Gudoomiye Yariisow oo ka hadlay

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxweynihii hore Somalia (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---