Allbanaadir.com
NEWS

Qarax ismiidaamin ah oo lagu qaaday xero Ciidan oo kutaalla Ceelasha Biyaha

Qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa saakay aroortii lagu weeraray saldhig ciidanka dowladda, gaar ahaan kuwa ammaanka ku leeyihiin deegaanka Ceelasha Biyaha.

Sida aan wararka ku heleyno qaraxan oo loo adeegsaday gaari nuuca aan xabadaha karin oo Shabaab kasoo buuxiyeen waxyaabaha qarxa, ayaa ku qarxay xerada ay degan yihiin  ciidanka ammaanka ee ku sugan Ceelasha Biyaha.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxan goordhaw ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana goobta qaraxu ka dhacay gaaray gaadiidka gurmadka deg dega oo halkaasi kasoo qaaday askarta dhaawacantay.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxan saakay lagu weeraray saldhigga ciidan, waxa ayna Al Shabaab shaaciyeen in qaraxa ku dileen askar badan kuwa kalana ay dhaawacyo kasoo gaareen.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaan wali faah faahin qaraxan saakay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha iyo khasaaraha ka dhashay, waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan in qaraxan war kasoo saaraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka soo kordhay dabka ka holcaya Los Angeles? (Sawirro)

Caydiid Ali

Deni iyo Madax kale oo maanta ku soo wajahan Muqdisho iyo arrimo ku soo kordhay Shirka beri

Caydiid Ali

Matoor isagoo gubanaya ka soo dhacay dayuurad oo xaafad ku habsaday (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---