Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Shirkad lagu eedeeyey iney ku xad gudubtay dad Muslimiin ah oo la ganaaxay

Waaxda gaadiidka ee dalka Mareykanka ayaa ganaax lacageed oo gaaraya $50 kun oo doolar, dul dhigtay shirkadda Delta, ka dib markii ay ku xadgudubtay qaar ka mid ah rakaab saarnaa diyaaraddeeda oo Muslimiin ah.

Shirkadda Delta ayaa loo ganaaxay xadgudub ay ku sameysay saddex qof oo heysta diinta Islaamka oo si khasab ah looga saaray diyaarad ay doonayeen in ay ku safraan.

Dadkan ayaa la sheegay in ay mareen goobaha la isku baaro ee shirkadda, Sidoo kalena in mas’uuliyiinta Delta ay u oggolaadeen in ay safraan, balse markii dambe laga dejiyay diyaaradda.

War qoraal ah oo ka soo baxay shirkadda Delta ayay ku beenisay in ay fuquuqday dadkaas Muslimiinta ah, balse waxaa ay qiratay in xaaladda si ka wanaagsan loo maareyn karay.

Waaxda gaadiidka dadweynaha ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in shirkadaas ay ku xadgudubtay sharciga, waxayna ku amartay in Delta ay shaqaalaheeda siiso tababar la xiriira sida loola tacaalo waxyaabaha la xiriiro dhaqanka iyo diimaha kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Tirada Xildhibaanada Mooshinka Wada oo caawa kordhay

Cabdi Cade

Al-Makhzumi oo codsi xasaasi ah u gudbisay G/Banaadir

Caydiid Ali

Hantidhowrka Qaranka oo kulan Xasaasi ah la qaatay madax katirsan Villa Somaliya iyo Xafiiska R/W (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---