Wararkii ugu dambeeyey Qaraxyadii Sri-lanka & geerida oo tirabeel noqotay (Sawirro)

Dad ka badan 210 qof ayaa inta laga warqabo maanta oo Axad ah ku dhintay qaraxyo lala eegtay kaniisaddo iyo hotello ku yaalla dalka Srilanka.

Qaraxyadan oo ahaa kuwo si weyn loo soo qorsheeyey ayaa waxaa ku dhaawacmay in ka badan 600 oo qof, iyadoo geerida ay saacadba saacada  ka dambeysa sii kordheyso.

Saraakiil dhinaca amniga ah ayaa wakaaladdaha wararka u sheegay in laba ka mida qaraxyada ay fuliyeen dad isa soo miidaamiyay.

Saraakiisha ayaa sheegaya in mid ka mid ah kaniisadaha la qarxiyay oo lagu magacaabo Saint Anthony iyo saddexda hotel ee la qarxiyay ay ku yaaleen magaalada caasimada ah ee Colombo.

Kaniisadaha kale ayaa ku yaalla magaalada Negombo oo ka baxsan Colombo, iyo magaalada Zion ee ku taala Batticaloa.

Ma jirto cidda ilaa iyo hadda sheegatay masuuliyadda weeraradan, booliskuna waxay sheegeen iney dabagal iyo baaritaan ku hayaan cidii soo abaabushay qaraxyadan, waxaana si weyn loo aaminsan yahay iney ka dambeeyeen kooxo islaamiyiin xagjir ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -