Israel oo duqeysay Garoomo dayuuradeed oo ku yaalla Mid ka mid ah dalalka Carabta

Israa’iil ayaa gantaallo ku weerartay garoomada diyaaradaha ee Dimishiq iyo Xalab ee dalka Siiriya sida ay sheegtay Warbaahinta dowladda Siiriya

Duqeymahan dhanka cirka ah ayaa imaanaya maalin ka hor booqasho la filayo Inuu wasiirka arrimaha dibadda ee Iran  gaaro Siiriya.

Labada dal waxay cadaw ku yihiin Israa’iil, Iran ayaa muddo dheer taageereysay Xamaas oo haatan dagaal qaraar oo khasaare badan dhaliyey kula jirta Yuhuuda.

Israa’iil ayaa inta badan duqeysa bartilmaameedyada Suuriya ee xiriirka la leh Iran iyo kooxda Lubnaan ee Xisbullah. hase yeeshee marar dhif ah ayay qirtaa inay geysato weerarradan.

Dowlada Madaxweyne Bashar Al-Asad ayaan illaa hadda ka hadlin weerarkan, iyadoo maamulka Siiriya uu heshiis kula jiro dowlada Ruushka oo ciidamo fara badan ay ka joogaan Siiriya kaasoo dhigaya in Ruushku difaaco weerar kasta oo lagu soo qaado dalkaas.

- Advertisement -