Taliye Sare oo Israeli ah oo lagu dilay weerar gaadmo ah oo lagu qaaday

Dagaalyahanno ka tirsan garabka guutada Al-Qudus ee milliteriga ururka Jihad Islamic ayaa waxay shalay galab weerareen xero ay milliteriga Israel ku leeyihiin meel ku dhow xuduudka Lubnaan.

Iska horimaad ka dhacay xerada Islaamiyiinta weerareen ayaa lagu dilay taliye kuxigeenkii guutada 300-aad ee qeybta 91-aad ee ciiddanka Israel, kaasi oo lagu magacaabi jirey Caliim Sacad.

Waxaa sidoo kale iska horimaadkan khasaaro kala duwan lagu gaarsiiyay qaar kale oo kamid ah ciidamada milatariga Yahuuda, kuwaa oo wajahaya xaalado adag kaddib weerarkii ururka Xamaas.

Dhanka kale, labo Dagaalyahan oo ka tirsan islamic Jihad ayaa ku geeriyooday Weerarkaasi, kuwaasi oo lagu kala magacaabi jirey Xamsa Xasan Muuse oo 21 jir ahaa iyo Riyaad Maxamed Qiblawi oo 23 jir ahaa.

Israel ayaa wajaheysa dagaal dhowr jiho kaga fureen xoogaga Islaamiyiinta ah, waxaana weerarka Israel lagu qaaday isbuucan uu noqday kii ugu khasaaraha badnaa ee soo mara taariikhda kana sheekeyn doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -