Allbanaadir.com
NEWS

Gantaalo tiro badan oo lagu garaacay Israa’il iyo Shir deg deg ah oo socda

Madaafiic tiro badan ayaa saakay oo Sabti ah lagu garaacay dhulka ay Israa’iil xoogga ku heysato, waxaana madaafiicdan la sheegay in kooxaha hubeysan ee Falastiin ay ka tuureen Marinka Gaza.

In ka badan 10-gantaal ayaa lagu tuuray dhulka Israa’iil maamusho, waxaana seeriga duullaanka cirka laga yeeriyay koonfurta Israa’iil, waxaana laga maqlay aagga weyn ee Tel Aviv, oo tobanaan kiiloomitir waqooyi ka xiga.

War kasoo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha maamulka Israa’iil ayaa lagu sheegay in shir deg deg ah ay leeyihiin madaxda ammaanka Israa’iil, shirkan ayaana looga arrinsanayaa jawaabta ay ciidamada Israa’iil ka bixin lahaayeen weerarka gantaalaha.

Ciidamada Israa’iil ayaa weeraro culus oo jawaab celin ah geesta marka ay duqeymo kala kulmaan dagaalyahannada hubeysan ee Falastiin, waxaana laga cabsi qabaa in Israa’iil jawaab khasaro badan dhalisa qaado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wadaad Imaam ka ahaa Masajid ku yaalla Muqdisho oo toogasho lagu dilay

Caydiid Ali

Madaxweyne Afrikan ah oo jabiyay sharci uu isagu bulshada ka wacyi galinayay in ay ilaaliyaan

Cabdi Cade

Darbi-jiifta Muqdisho kunool iyo Nolosha adag ay ku jiraan xilli-roobaadyada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---