Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Afrikan ah oo jabiyay sharci uu isagu bulshada ka wacyi galinayay in ay ilaaliyaan

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa lagu dhaleeceeyay in uu jabiyay sharciga kala fogaanshaha ee looga hortagayo faafitaanka cudurka Caronavirus, xili Madaxweynaha bulshada ku wacyi galinayay in ay kala fogaadaan.

Muuqaal kooban oo lasoo galiyay baraha bulshada ayaa laga arkayay Madaxweynaha oo wada maraya oo labo dumar ah ka dalbadeen in uu sawir la galo, Madaxweynaha ayaana ka aqbalay codsiga haweenkaasi lana galay sawir.

Baraha bulshada muuqaalkan lasoo galiyay ayaa laga dhax maqlayay labada haweenka oo Madaxweynaha ka dalbanaya in ay sawir la galaan, Madaxweynaha ayaana ugu jawaab celinaya haweenkaasi kaalaya kadibna sawirka la galaya.

Dad badan ayaana ku dhaleeceeyay Madaxweynaha in isagiiba uu jabiyay sharcigii kala fogaanshaha ee looga hortagayay faafitaanka cudurka Caronavirus, waxa ayna dad badan layaab ku tilmaameen habdaqanka Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa xiliga uu sawirka la galayay labada haween waxaa u xirnaa afgashi iyo sidoo kale waxyaabaha gacmaha lagu xirto , halka haweenka uu sawirka la galayay iyaguna sidaas oo kale ahaayeen.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Sida Baladweyne loogu soo dhaweeyay Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh

Cabdi Cade

(Sawirro) Adan Madoobe & dhigiisa Dr. Shakhwan Abdalla Ahmed oo ka wada hadlay..

Caydiid Ali

Trump oo jeediyey hadal ka careysiiyey shacabka iyo dowlada Faransiiska (Sawirro+Video)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---