Allbanaadir.com
NEWS

Hantidhowrka Qaranka oo amray in la joojiyo Dhoofinta biraha duugga ah

Xafiiska Hantdhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal uusoo saaray  ku wargeliyay shirkadaha ku hawlan dhoofinta, qodista iyo buruburinta agabka warshadaha dalka in ay si degdeg ah u joojiyaan.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska Hantidhowraha Qaranka ayaa lagu sheegay in ay jiraan shirkado iyo shaqsiyaad ka ganacsadaha biraha duuga, oo la sheegay in ay bilaabeen qodista dhulka hoostiisa iyo sidoo kale xarumaha warshadihii hore ee dalka.

Hantidhowrka Qaranka ayaana amray in la joojiyo dhoofinta iyo qodista biraha, waxa ayna ku wargaliyeen shirkadaha dhoofiya biraha duuga ah in aysan fasax u heysan qodista iyo qaadshada qalabka yaala xarumaha warshadaha dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga Gurmadka Abaaraha oo Warbixin la wadaagay Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Cabdi Cade

Xukuno adag oo lagu riday askar ka tirsan AMISOM oo shacab ku laayey Somalia

Caydiid Ali

Benjamin Netanyahu oo tagay Gaza kana hadlay arrin ay ka codsadeen Askartiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---