Kim Jong Un oo isaga oo Faras saaran fuulay buurta dheer ee Paektu (Daawo Sawirada)

Hogaamiyaha mayalka adag ee Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa sawiro laga soo qaaday isaga oo faras ku fuulaya buurta ugu dheer dalkiisa ee Paektu,.

Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa baahisay sawirada Hogaamiye Kim John Un oo saaran faras cad oo fuulaya buurta barafka badan qariyay ee Paektu, waxaana hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi buurtaasi ku qaatay waqti kooban.

Buurta Paektu ayaa dheereerkeedu gaarayaa 2,750 Miitar , waxa ayna buurtan tahay mid si weyn looga qaddariyo Kuuriyada Waqooyi, waxaana la sheegaa inay tahay goobtii uu ka dhashay Kim Jong-un aabihiis.

Hogaamiyaha kuuriyada Waqooyi ayaa horey sidan oo kale loo arkay isaga oo fuulaya buurtan ugu dheer Kuuriyada Waqooyi, waxaana Wakaalada wararka Kuuriyada Waqooyi tilmaantay in wax weyn ka dhigan tahay in Kim uu faras ku fuulo buurta Paektu.

 

- Advertisement -