Allbanaadir.com
NEWS

Xaalad adag oo soo wajahday dowlada Mareykanka iyo ismari waa taagan

Xafiisyo badan oo dawladda Maraykanka ah ayaa laga yaabaa in qayb ahaan shaqadooda la hakiyo, maalinta Axadda ee soo socota, ka dib markii mudanayaasha golaha baarlamaanka ee Maraykanku ay ku guuldaraysteen inay isla meeldhigaan, miisaaniyadda ay dawladdu ku shaqaynayso 12-ka bilood ee foodda innagu soo haya.

Qodobada la isku hayo ayay ka mid yihiin, in lagu daro, lacago lagu taageerayo dalka Ukraine, si ay isaga caabbiyaan Ruushka, xakamaynta muhaajiriinta ka soo gudbaya xuduudda Mexico iyo Maraykanka, iyo weliba arrimo taabanaya barnaamijyada daryeelka bulshada Maraykanka ah.

Golaha Senate-ka ee ay maamulaan xisbiga Dimoqraadiga ayaa ku dedaalaya inay meelmariyaan qorshe wakhti gaaban ah oo xukuumaddu ku shaqayn karto, hase ahaatee weli may helin codad dhamaystiran oo qorshahaasi sharci ku noqon karo.

Dhinaca kale, Afhayeenka aqalka wakiillada ee Maraykanka Kevin McCarthy oo ka soo jeeda xisbiga Jamhuuriga, ayaa ku gacan-saydhay dedaalada ka socda aqalka Senate-ka.

Hoggaamiyaha xisbiga Jamhuuriga ee golaha Senate-ka Mitch McConnell ayaa uga digay mudanayaasha aqalka wakiillada, dhibaatada ka dhalan karta, haddii la joojiyo shaqada xukuumadda, gaar ahaan, xakamaynta duufaanta muhaajiriinta ah ee ku soo qulqulaya xuduuda koonfureed ee Maraykanka.

Xafiisyada dawladda ayaa Khamiistii bilaabay inay shaqaalohooda ku wargeliyaan, tallaabooyinka dhici doona, haddii aan la ansixin miisaaniyadda dawladda.

 

 

Related posts

Muuse Biixi “Boqolkiiba 95% umaddii way diiday in ay u soo baxaan Mucaaridka”

Caydiid Ali

Sheekh Shariif iyo Taliyaha ciidanka Xooga Soomaaliyeed oo kulan Xasaasi ah yeeshay

Cabdi Cade

Wasiir Xildhibaan Doon ah oo walaac ka muujiyay Doorashada ka dhaceysa Boosaaso

Cabdi Cade
Taboola Ads ---