Allbanaadir.com
NEWS

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay Deegaanka Happy Valley iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Wararka ka imaanaya magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay deegaan hoostaga magaaladaasi lagu dilay Muwaadiniin Soomaaliyeed, oo ku sugnaa goob ganacsi oo ay ka shaqeenayeen.

Burcad hubeysan oon heybtooda la garan ayaa weerar ku qaaday dukaan kuyaalla deegaanka Happy Valley ee hoostaga magaalada Cape Town , waxa ayna rasaas culus huwiyeen labo wiil oo Soomaali ah oo ku sugnaa dukaanka

Rasaasta lagu dhuftay dhallinyaradan ayaa markii hore waxaa kasoo gaaray dhaawacyo culus , waxaana markii dambe dhallinyaradaasi isbitaalka ugu geeriyoodeen dhaawacyadii cuslaa ee soo gaaray.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee lagu dilay magaalada Cape Town ayaa magacyadooda lagu sheegay Cabdiqaadir Macalin Maareeye iyo Xasan Xamuud Jaras , waxaana meydadka dhallinyaradan yaallaa isbitaal kuyaalla magaalada Cape Town .

Saraakiil katirsan booliiska Cape Town oo gaaray dukaanka dilka ka dhacay ayaa sheegay in ay baarayaan dilka , waxa ayna booliiska ballan-qaadeen in ay gacanta kusoo dhigi doonaan dilaayaasha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo liiska argagxisada ku daray xubno ka tirsan Xamaas & Islamic Jihad

Caydiid Ali

Mataanaha ku midoobay Dib u dhaca Muqdisho oo ka mideysan 9-qodob !! (Halkan ka Ogow).

Cabdi Cade

Madaafiic caawa la isku weydaarsaday degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---