Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Masuul ka tirsan Maamulka gobolka Shabeellaha hoose oo qarax lagu dilay

Guddoomiye ku-xigeenkii degaanka Mareerey ee gobolka Sh/hoose ayaa ku dhintay qarax miino oo galabta ka dhacay degaankaas.

Marxuum Cali Cumar ayaa gaari ay la socdeen isaga iyo askari ilaalo u aheyd waxa uu qarax ku qabsaday buundada degaanka Mareerey oo hoos taga degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaar ka mid ah ilaalada la socotay gudoomiye ku-xigeenka sida wararku nagu soo gaarayaan.

Gudoomiyaha Degmada Afgooye ahna duqa magaalada Abdullahi Mohamed Osman hiraabe ka tacsiyadeeyey Geerida Gudoomiye ku-xigeenkii Deegaanka Mareerey marxuum Cali Cumar.

“Ilaahey ha u naxariisto Guddoomiye Cali Cumar oo tiir muhiim ah u ahaa Maamulka deegaanka Mareerey, ehelkiisa iyo qaraabadana Samir iyo iimaan ALLE ha inaga siiyo, marxuumkana Janatul fardowsa ILAAHEY haka waraabiyo” ayuu yiri duqa magaalada Afgooye.

 

Related posts

Axmed Madoobe oo hal arrin ku ammaanay Madaxweyne Xasan iyo Xamse Barre

Cabdi Cade

Rooble oo War ka soo saaray dabkii xalay qabsaday nawaaxiga Isgoyska Banaadir

Caydiid Ali

Dowlad Afrikan ah oo Ciidamo Keyd ah usoo direysa Soomaaliya si ay uga howlgalaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---