Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxkamadda Sare ee dalka oo u fariisatay dacwad ka dhan ah Maamulka G/Banaadir

Maxkamadda Sare oo mar kale u fariisatay dacwad ka dhan ah Maamulka G/Banaadir

Maxkamadda sare ee dalka, gaar ahaan qeybteeda maamulka ayaa maanta u fariisatay dhageysiga gar maqalkii 3-aad ee dacwad lid ku ah maamulka gobalka Banaadir oo ay kala dhaxayso shirkadda Power Technology Industries.

Dacwadda oo khusaysaa heshiis ay hore u wada galeen labada dhinac oo uu ka baxay maamulka gobalka Banaadir ayey shirkadda heshiiska looga baxay kiiskeeda horgeysay garsoorka, si ay qaab sharci ah ugu muujiso cabashada ay ka qabto dhnaca kale.

Guddoomiyaha maxkamadda sare JFS mudane Bashe Yuusuf Axmed oo ay wehelinayaan garsooreyaal ka tirsan maxkamadda sare ee dalka ayaa waxay halkaas ku dhageysteen abukaateyaasha labada dhinac, waxaana garmaqalkan saddexaad fadhiyey matelayaal ka socday maamulka gobalka Banaadir oo soo ajiibay u yeerista ay horay maxkamaddu ugu dirtay.

Garmaqalka 3-aad ee dacwadda ayaa ku soo dhammaaday, iyadoo aan la gaarin wax go’aan ah oo maxkmaddu riday, waxaana loo balanay kulanka xiga.

Shirkadda Power Technology Industries, ayaa ku doodaysa in si sharci darro ah uu Maamulka Gobalka Banaadir uga baxay heshiis kala dhaxeeyey kaas oo khuseeyey waxyaabaha daabacaadaha shahaadooyinka laga soo saaro xafiiska Maamulka, waxaana ay ku doodayaan inay ka maqan tahay lacago aad u tiro badan oo ay halkaas ku soo bandhigeen.

Related posts

Axmed Madoobe oo Saraakiil Maraykan ah kula kulmay Kismaayo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Dhaawacyada la dhigay Isbitaalada Muqdisho & Masuuliyiin booqatay

admin

Safiiro Mareykan ah oo shaqada uga tagaya Madaxweyne Trump dartiis

Cabdi Cade