Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dilal ka dhacay xarunta taliska Howlgalka ATMIS ee Xalane iyo xiisad ka taagan

Xiisad ayaa la soo sheegayaa iney ilaa galabta ka taagan tahay xarunta taliska ciidamada ATMIS ee Xalane ka dib markii ay ka dhaceen labo dil oo isxigay.

Dilka hore ayaa yimid ka dib markii nin shacab ah uu toorey ku dilay askari ka tirsan ciidamada ATMIS oo ka yimid Ugandha kaasoo ku sugnaa Kontrol ku yaalla albaabka Xalane

Askariga la dilay ninka shacabka ah ayaa la sheegay iney markii hore is af dhaafeen.

Ciidamada Ugandha ee goobta ku sugnaa ayaa la sheegay iney isla goobta ku dileen ninka tooreyda ku hubeysnaa kaasoo isla goobta ku geeriyooday.

Waxaa goobta soo buuxiyey ciidamo fara badan oo ka tirsan ATMIS kuwaasoo xiray goobta, isla markaana joojiyey dhaqdhaqaaqii ka jiray goobtaas.

Taliska ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaan illaa hadda war ka soo saarin dilalka iyo shaqaaqada ka dhacay albaabka laga galo xarunta ATMIS.

Related posts

Ciidamo gadoodsan oo maanta xiray saldhig booliis oo kuyaalla magaalada Garawe

Cabdi Cade

Generaal Geesood oo iska casilay taliyaha ciidanka iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Qarax iyo dil ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---