Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wakiiladda Puntland oo ansixiyay Xubno katirsan Guddiga Doorashooyinka PEC

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada  Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane, Ismail Maxamed Warsame ayaa maanta shir-Guddoomiyey fadhiga 21-aad, Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiillada Puntland

Ajandaha ayaa ah Ansixinta Xubnaha magacaaban ee Guddiga Doorashooyinka Puntland – PEC sida uu qabo qodobka 113-aad Farqadiisa 1aad, Xarafka X iyo Qodobka 132-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

Kadib markii Xildhibaannada ay dhageysteen Taariikhdooda, waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen saddex xubnood oo ka dhinaa Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC, tirada guud ayaana noqonaysa 12 xubnood.

Xildhibaannada ayaa Xasaanadda siiyey Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Puntland – PEC, waxaana dhaariyey Garsoore ka socda Maxkamadda sare.

Xubnaha ayaa kala ah;

1. Cabdisalam Bashiir Cabdisalam
2. Maxamuud Axmed Caynab (Gubsul)
3. Ubax Cabdullahi Abshir

Related posts

Abwaan Sugaal Cabdulle & dad kale oo ku dhintay qaraxii galabta

Caydiid Ali

Dowlad Yurub katirsan oo Soomaaliya ka caawineysa sida amniga loo ilaaliyo

Cabdi Cade

Barakac la bilowday qeybo Muqdisho & Xamar oo marxalad dagaal gashay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---