Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Itoobiya oo Muqdisho lagu soo dhoweeyey (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Somalia Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey dhiggiisa dalka Ethiopia, Mudane Dekeme Mekonnen Hassan iyo wafdi oo uu hoggaaminayo.

Wafdiga ka socda dalka Itoobiya ayaa u yimid caasimadda Muqdisho sidii ay wada hadallo ku dhisan danaha labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashi dhinacyada kala duwan ee u dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa xusay muhiimadda iskaashiga labada dal ee dhinacyada ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada, amniga iyo la dagaallanka al-shabaab.

Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka ay Somalia ka joogaan ciidamada qeybta ka ah howgalka Midowga Afrika ee ATMIS, waxaana labada dal ka dhexeeya mudooyinkan xiriir aad u wanaagsan.

Related posts

Xubno katirsanaa kooxaha Daacish iyo Al Shabaab oo lagu riday xukunno adag

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo bilowday beegsiga ergooyinka doorashada Somalia ka qeyb galaya

Caydiid Ali

RW Somalia & wafdi uu horkacayo oo u ambabaxay dalka Koonfurta Kuuriya (Ujeedka)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---