Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xamse Barre oo Balanqaad culus ka helay Khalifa bin Jassem Al-Kuwari (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Qatar, Khalifa bin Jassem Al-Kuwari.

Waxay ay ka wada hadleen dardar galinta mashaariicda horumarineed ee ay dowladda Qatar ay ku taageerto Soomaaliya.

Agaasimaha ayaa Ra’iisul Wasaaraha la wadaagay sida uu Sanduuqu uga go’an tahay kordhinta mashaariicda horumarineed ee ay ka wadaan guud ahaa Soomaaliya, iyadoo la waafajinayo barnaamijyadda hortabinta u leh Xukuumadda DanQaran.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyay Sanduuqa Horumarinta Qatar mashaariicda muhiimka ee ay ka fulisay dalka iyo kuwa hadda socda, taasoo qayb weyn ka qaadatay dib u dhiska dalka.

Related posts

Xasan Kheyre oo baaq u diray Madaxda dalka iyo bulshada Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Banaan baxyo ruxay Jigjiga kadib markii la geenay Meydadka dad la laayay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

(Sawirro) Machadka SORDI oo soo bandhigay Cilmi baarisyo la xiriira Caafimaadka Hooyada & dhallaanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---