Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dibedbax weyn oo ka dhacay Muqdisho & RW ku-xigeenka oo ka qeyb galay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo masuuliyiin kale ayaa galabta ka qeyb galay dibad-bax lagu taageerayey Ciidanka Qaranka ee dagaalka kula jira al-shabaab

Shacabka ku dhaqan 17-ka degmo ee gobolka Banaadir oo isugu soo baxay barxadda Daljirka Dahsoon ayaa cod dheer ku sheegay inay barbar taagan yihiin ciidanka qalabka sida iyagoo ballan qaaday inay is abaabuli doonaan xoojinna doonaan wada-shaqaynta iyo garab istaagga Ciidanka.

Raiisul Wasaare Ku-xigeenka oo shacabka kula hadlayay faraagaraha daljirka ayaa sheegay in al-shabaab gabbalkoodii dhacay lagana adkaan doono wakhti aan fogayn.

Waxaa uu ku ammaanay maamulka Gobolka Banaadir iyo shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin taageerada halganka dalka looga xoreynayo al-shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa isna shacabka Magaalada Muqdisho ugu baaqay iney xoojiyaan taageerada Howlgaladda dalka loogu Sifeynayo al-shabaab oo ay ciidamada xooga dalka ka wadaan guud ahaan dalka.                                                                                                                                                     

Related posts

Iran oo hakisay heshiiskii Nuclearka, 60 cishana u qabatay reer Galbeedka

Caydiid Ali

Shir Wadatashi ah oo u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada oo furmay (Sawirro)

admin

Sargaal caan ka ahaa Milatariga oo Muqdisho lagu qarxiyay kaddib casuumad uu ku yimid…

Cabdi Cade