Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaanadii shalay lagu doortay Ceel-Waaq oo la siiyay Shahaadada Xildhibaanimo (Sawirro)

Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray shan Xildhibaan oo shalay lagu doortay doorasho ka dhacday deegmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo, xildhibaanadan ayaana Muqdisho u yimid sidii u qaadan lahaayeen shahaadada loona dhaarin lahaa.

Guddiga doorashada heer federaal ayaa maanta shahaadada Xildhibaanimo siiyay Shan Xildhibaan oo shalay lagu soo doortay degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo , xildhibaanadan ayaana sugaya in la siiyo ID-card lana dhaariyo.

Xildhibaanada lagu soo doortay degmada Ceel-Waaq ayaa la siiyay shahaadada Xildhibaanimo , mana jiro ilaa hada Xildhibaan katirsan kuwa Gedo lagu soo doortay oo la dhaariyay.

Doorashada Xildhibaanada lagu soo doortay gobolka Gedo ayaa waxaa ka jira khilaaf xooggan, waxaana siyaabo iska soo horjeeda Xildhibaano loogu doortay degmooyinka Ceel-Waaq iyo Garbahaarey.

Madaxweyne Farmaajo ayaana sharci daro ku tilmaamay doorashooyinka ka dhacay gobolka Gedo, waxaana suurto gal ah in Xildhibaanada 16-ka ah ee deegaan doorashadooda tahay Gedo aysan cod ku yeelan doorashada guddoonka gollaha shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

https://www.youtube.com/watch?v=9ezvDZo1xs4

Related posts

(Sawirro) Falastiini hubeysan oo dil ka geystay bartamaha Tel Aviv & Booliska Israel oo..

Caydiid Ali

Israel oo sii wada duqeymaha arxan darada ah ee Gaza & tirada dhimashada oo gaartay..

Caydiid Ali

Kursiga uu ku fadhiyo Prof Ibbi iyo kuraas kale oo la dooranayo oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---