Allbanaadir.com
NEWS

Hoggaamiyaha Khaatumo oo shacabka ugu baaqay in aysan kusoo laaban Laascaanood

Magaalada Laascaanood ayaa muddo isbuuc ah ku jirta xaalad xasillooni ah, kaddib markii ciidamadi maamulka Somaliland laga saaray saldhigii ay kaga sugnaayeen duleedka magaaladaasi ee Goojacadde.

Tan iyo markii ciidamada maamulka Khaatumo iyo ciidamada kale ee garabka siinaya la wareegeen saldhigga Goojacadde ma jirin wax dagaalo iyo duqeymo ah oo dhacay, waxaana dadkii ka baxay magaalada qaarkood bilaabeen in ay soo laabtaan.

Hogaamiyaha Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye oo maanta ka hadlay masaajid kuyaalla magaalada Laascaanood ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah, gaar ahaan haweenka iyo carruurta in aysan si deg deg ah ugu soo laaban magaalada.

Waxa uu sheegay in maamulkiisu ka shaqeenayo xasilloonida magaalada iyo sidii ammaankeeda loo xaqiijin lahaa, waxa uuna tilmaamay in ciidamada kasoo horjeeda ay wali wadaan abaabul dagaal.

Dhinaca kale hoggaamiyaha Khaatumo ayaa ka hadlay dad ku xoomay dhulka xerada Goojacadde ee dhawwaan laga saaray ciidamada Somaliland, waxa uuna xusay in ay jiraan dad doonaya in dhulkaasi calaamadeestaan oo qaataan.

“Waxaa soo baxay dad badan oo ku dareeray deegaanka Goojacade oo calaamadeysanaya dhulka, waxaan leeyahay dhulkaasi waxaa iska leh maamulka,hadii ay jirto cid kale ee sharci u haysata dhulkaas waa eegaynaa” ayuu yiri hoggaamiyaha Khaatumo.

Ciidamada maamulka Somaliland ee laga saaray magaalada Laascaanood iyo duleedkeeda ayaa lasoo sheegayaa in ay wadaan abaabul dagaal ay ku doonayaan in mar kale kusoo laabtaan gobolka Sool, gaar ahaan magaaada Laascaanood iyo deegaannada ku dhaw .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ciwaanadii uu baraha Bulshada ku lahaa Madaxweyne Uhuru oo la xiray iyo sababta Keentay

Cabdi Cade

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo goor dhow ku dhawaaqay..

Caydiid Ali

(Kaalinta 1aad) Soomaaliya oo adeeg Muhiim ah kaga horumartay dalalka Jaamacada Carabta

Caydiid Ali
Taboola Ads ---