Ciwaanadii uu baraha Bulshada ku lahaa Madaxweyne Uhuru oo la xiray iyo sababta Keentay

Madaxweynaha dalka Kenaya Uhuru Kenyatta ayaa maanta si lama filaan ah u xiray ciwaanadiisa baraha bulshada gaar ahaan Twitterka iyo Facebooka sida ay ku warameen Warbaahinta Kenya.

Agaasimaha Madaxtooyada Kenya Nzioka Waita ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha ciwaanadiisa baraha bulshada la hakiyay , waxa uuna sheegay in ciwaanada Madaxweynaha in uu galay ruux aan loo fasaxin.

Waxa uu sheegay Agaasimaha Madaxtooyada in ciwaanada baraha bulshada ee Madaxweyne Uhuru hawada kusoo laaban doonaan kadib markii la saxo khaladaad uusan sheegin waxa ay yihiin.

Ciwaanka Madaxweynaha Kenya ayaa saakay lagu soo qoray qoraal siyaasadeed oo xasaasi ah, waana sababta loo maleenayo in hawada looga saaray ama loo hakiyay ciwaanada Madaxweynaha.

Qoraalka lagu soo qoray Twitterka Madaxweynaha Kenya ayaa u qornaa sida tan “haddii aad musuqmaasuq ku jirto waan kula dagaalamaynaa,xataa haddaad tahay walaalkay, walaashay ama siyaasiga iigu dhaw oo musuqmaasuq ku jira waan kula dagaalamaynaa”.

Ciwaanada uu baraha bulshada ku leeyahay Madaxweynaha dalka Kenya waxaa ku xiran malaayiin qof oo u badan dadka Kenya, waxaana ciwaanadaasi Madaxweynaha soo dhigaa qaar kamid ah waxqabadkiisa iyo kulamada uu Madaxda la qaato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -