Farmaajo oo Weerar afka ah ku qaaday Siyaasiyiinta Xanaaqsan ee Mucaaradka ku ah !!

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo maanta ka hadlay Furitaanka Munaasabadda Ololaha dib u soo nooleynta Waxbarashada Dadweynaha ayaa weerar afka ah ku qaaday Siyaasiyiinta iyo Madaxda mucaaradka ku ah dowladiisa.

Farmaajo ayaa sheegay in ay jiraan Siyaasiyiin xanaaqsan oo mar walba ka hadlaya waxyaabo xun xun, waxa uuna sheegay in Siyaasiyiintaasi yihiin kuwa mar walbo umada u sheega been doonayana in dadka niyad jabiyaan.

”Siyaasiyiinta xanaaqsan waxa ay xalaaleeyeen beentii , waxa ay xalaaleeyeen wax badan oo diinta Islaamka diideyso, siyaasiyiinta xanaaqsan mustaqbalka Soomaaliya dan kama lahan, waxa ay ka hadlaan siyaasiyiintan wax xun oo dadka niyad jabinaya, waxa ay ka hadlaan beesha caalamka hanoo timaado oo hana dhax dhaxaadiso.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in siyaasiinta xanaaqsan kuwa uu ku tilmaamay in mar walbo niyad jabiyaan ciidamada ayna yiraahdaan waa nalaga adkaaday iyo awood malahan ciidankeena.

”Waxa ay ka hadlaan waa nalaga adkaaday ciidankeena tabar malahan, waxa ay ka hadlaan hadalo calaacal ah oo dhaqankii Soomaaliyeed aan lagu aqoon, Soomaaliga waxaa lagu yaqaanaa dhiiranaan , siyaasiga xanaaqsan qalbi jabka ay dadka ku rideen waxa uu gaarsiiyay in dadku is dhiibaan, qof nool oo dhintay micnaheeda waxaa waaye  qof nool oo rajadii ka dhimatay , marka madaxdii la fiirsanayay hadii ay ka hadlaan waan jabnay waa nalaga adkaaday hanoola yimaado , shacabku waxa ay leeyihiin hadii ay niyad jabeen madaxdeenii iyo siyaasiyiinteenii seey anigu niyada iigu dhisnaaneysaa” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Farmaajo ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta xanaaqsan in aysan umada niyad jabin rajo beelna ku ridin, waxa uuna sheegay umada Soomaaliyeed in ay tahay dad ad adag oo si fudud ku niyad jabeyn.

Hadalka Madxaweyne Farmaajo ayaa u muuqda mid ku socda Madaxda maamul goboleedyada oo dhawana xiriirka u jaray dowlada kuna baaqay in iyaga iyo dowlada gacan sadeexaad u kala dab qaado, waxa uu sidoo kale hadalkan ku socdaa siyaasiyiinta kale ee mucaaradka ku ah dowlada uu hogaamiyo Farmaajo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -