Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Ciidamada Ahlu Sunna oo Dhoolo tus sameeyay soona bandhigay Awoodooda (Daawo Sawirada)

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa maanta dhoolo tus ay awoodooda kusoo bandhigayeen ka sameeyay magaalada Guri ceel ee gobolka Galgaduud, waxaana dhoolo tuskan lagu xusayay maalinta ay Ahlu Sunna ugu magac dareen Shuhadada.

Gaadiid dagaal iyo ciidamo kala duwan oo katirsan Ahlu Sunna ayaa socod ku maray qeybo kamid ah degmada Guri Ceel, waxaana ciidamada dhoolo tuska sameenayay qaadayeen qasiidooyin kala duwan.

Munaasabada dhoolo tuska ay kusoo bandhigayeen ciidamada ahlu Sunna ayaa aheyd mid lagu xasuusanayay dagaalyahano kooxdaasi uga dhintay dagaalo adag ay sanado kahor la galeen Al Shabaab.

Gabogabadii munaasabada ayaa mar qura xaalad kala orod ah ka dhacday kadib markii nin waxyaabaha qarxa isku soo xiray uu soo galay goobtii munaasabada ka socotay uu doonayay in uu isku qarxiyo balse ciidamada amaanka fashiliyeen kana hortageen.

Related posts

Tartan xiiso badan leh oo loo qabtay Ragga Bidaarta leh (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Imaanshaha Fahad Yaasiin ee Muqdisho oo xiisado hor leh abuuri karta

Cabdi Cade

Al Shabaab oo War kasoo saartay Qaraxyadii iyo weerarkii tooska ahaa ee Muqdisho ka dhacay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---