Allbanaadir.com
NEWS

Hoggaanka Xisbiyada Wadani iyo UCID oo ka hadlay Jabkii ciidankooda kasoo gaaray Sool

Madaxda labada xisbi mucaarad ee ka jira deegaannada maamulka Somaliland ayaa ka hadlay guul-daradii shalay ciidamada maamulka Somaliland kasoo gaaray dagaal ay la galeen ciidamada Khaatumo iyo dadka deegaanka.

Hoggaamiyaha xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Corro ayaa sheegay in uu ka xun yahay waxii shalay ka dhacay xerada Goojacadde, waxa uuna shacabka Somaliland ugu  baaqay midnnimo iyo in ay la yimaadaan isku duubni.

“Waxaan shacabka Jamhuuriyadda somaliland ee xariirta ah meel kasta oo ay joogaan u soo jeedinayaa inay mid ahaadaan oo isku duubnaadaan oo ay ilaashadaan wadajirka qarankooda” ayuu yiri Cabdiraxman Cirro .

Sidoo kale hoggaamiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe ayaa isna ka hadlay dagaalii looga adkaaday ciidanka Somaliland,  waxa uuna isna shacabka ugu baaqay in ciidanka is barbar taagaan si ay u guuleestaan.

“Waxaan u sheegayaa shacbiga reer Somaliland maanta waxaa loo baahan yahay in ciidamadeena aan is-barbar taagno, dhacdooyiinkan maalmahan socda waxan kaga gudbeynaa midno, waa inaan kala saarnaa calanka, ciidda iyo maamulka xun,” ayuu yiri Feysal Waraabe.

Ciidamada Somaliland ayaa shalay subax awood looga saaray xeradii Goojacadde ay ka dagaalamayeen muddo todobo bilood ah, waxaana ciidamada halkaasi looga qabtay maxaabiis badan uu ku jiro taliyihii xerada Goojacadde.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) RW Khayre oo saaka gudoomiyey Shir muhiim ah oo lagu qabtay Muqdisho

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo arrimo xasaasi ah kala hadlay dhigiisa dalka Uganda

Cabdi Cade

Milateriga Ruushka oo gantaalo ku garaacay caasimada Ukraine ee Kyiv (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---