Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo qiil u sameysay Guul daradii kasoo gaartay Goojacadde iyo Maxaabiistii…

Ciidamada maamulka Khaatumo State ayaa saakay dagaal xooggan kula wareegay xerada ciidamada Goojacadde oo kutaalla duleedka magaalada Laascaanood, kaddib dagaal xooggan oo halkaasi ka dhacay.

Ciidamada Khaatumo ayaana xerada si buuxda ula wareegay, waxa ayna halkaasi ka qaateen gaadiid dagaal oo badan, hub iyo agabyo kale oo badan ay lahaayeen ciidamada maamulka Somaliland.

War-saxaafadeed goordhaw kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Somaliland ayaa lagu shaaciyay in xeylad dagaal owgeed maanta uga baxeen xeradii Goojacadde ku lahaayeen ee gobolka Sool.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegtay in ay jiraan ciidamo katirsanaa maamulkooda oo dhumay soona gaarin goobtii loogu tala galay, waxa ayna xuseen in ciidanka ay wadaan dib u habeyn iyo abaabul.

Hadalkan kasoo yeeray wasaaradda gaashaandhigga Somaliland ayaa imaanaya xilli ciidamada Khaatumo maanta gacanta ku dhigeen taliyihii saldhigga Goojacadde iyo askar kale oo katirsanaa ciidamada Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Khayre oo kun dhallinyaro Soomaaliyed u ballan-qaaday Shaqooyin (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo la sheegay in lacag ku bixiyaan in ciidanka dowladda isticmaalaan Maan-dooriye

Cabdi Cade

Sacuudiga oo war kale oo yaab leh ka soo saaray dilka saxafiga Jamal Kashoqgi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---