Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo tagay goobtii uu ka dhacay qaraxii Is-miidaaminta ahaa (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa booqday isgooska IFKA XALANE gaar ahaan xarunta dhul-bixinta dowladda hoose ee Xamar oo saakay qarax is-miidaamin ah ka dhacay.

Kormeerkan uu Guddoomiye Madaale ku tagay goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa ku helinayay Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh), iyada oo uu duqa Magaalada Muqdisho war bixin la xariirta dhacdadaani ka dhageestay saraakiishii goobta ku sugneyd.

Duqa Muqdisho ayaa boggaadiyay sida foojig-naanta leh oo ay ciidanka amniga uga hortageen dhagartan guracan oo ay kooxda Al Shabaab ku dhibaateyn rabeen shacabka Soomaaliyeed.

Qaraxii is-miidaaminta ahaa ee saakay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sababay geerida sargaal katirsanaa maamulka gobolka Banaadir iyo ninkii is-miidaamunta fuliyay.

Related posts

Madaxweyne Xaaf oo ku dhawaaqay hadal ka farxiyay shacabka iyo madaxda Galmudug

Cabdi Cade

Madaxtooyada Somalia oo ka warbixisay safar uu Madaxweyne Farmaajo ugu ambabxay Itoobiya

Caydiid Ali

Ninkii hayay furaha kacbada uuna qoyskiisa ku wareejiyay Nebi Maxamed NNKH oo geeriyooday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---