Wararkii Ugu Dambeeyay Shirkii Golaha Wadatashiga ee xalay dhacay iyo qodobadii…

Waxaa xalay mar kale magaalada Muqdisho shir ku yeeshay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada, waxaana shirkan looga arinsanayay dardargelinta doorashada iyo amniga.

Shirka xalay isugu yimaadeen golaha wadatashiga qaran ayaa ahaa mid ay uga arrinsanayeen dhameestirka qodobadii ay horey uga doodeen sida hufnaanta doorashada iyo amniga dalka iyo mida doorashada.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in madaxda dowlad goboleedyada mar kale doodo adag ka yeesheen arinta quseysa amniga oo khilaaf xoogan ka jiray, waxaana mar kale golaha wadatashiga ku adkaatay in qodobkaasi iyo kuwa kale xal ka gaaraan.

Shirka oo saacado badan qaatay ayna adkaatay in Ra’isul Wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada is faham ka gaaraan qodobada ay ka doodayeen gaar ahaan kan amniga ayaa mar kale loo balamay in maanta shir kale isugu yimaadaan.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaana ku kala qeybsan cida masuul ka noqoneyso amniga dalka xiligan kala guurka ah, waxa ayna madaxda qaarkood qabaan in amniga iyo doorashada looga dambeeyo Rooble halka kuwa kalana diidan yihiin ayna rabana Farmaajo.

Shirka oo socda ku dhawaad isbuuc ayaan jirin wali qodobo ay isku raaceen golaha wadatashiga oo lasoo bandhigay, waxaana la filayaa in maanta war kasoo baxo shirka ay yeelanayaan madaxdan ayna ugu arinsan yahaan dardargelinta doorashada iyo amniga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -