Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Wadahadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta kulan miro dhal ah la qaatay Mr. Shane L.Dixon oo ah ku-simaha safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya.
Labada mas’uul ayaa kulanka waxa ay kaga wada hadleen guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaanna xaaladda Somaliland iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya qorsheyneyso iney la gasho Somaliland.
Ku-simaha Safiirka ayaa u cadeeyay ergayga sida ay Dowladda Mareykanka markasta uga go’antahay wadajirka iyo xasiloonida Soomaaliya iyo in ay garabtaagan yihiin in ay wadahadaladu guuleystaan.
Mr. Shane L.Dixon ku-simaha safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa intaas ku daray in dariiqa saxda ah ee lagu xalin karo ariinta Somaliland ay tahay wadahadal.
“Waxayna dhankooda noo cadeeyeen sida ay Mareykanka markasta oga go’an tahay wadajirka iyo xasiloonida Soomaaliya iyo in ay garabtaagan yihiin in ay wadahadaladu guuleystaan” ayuu yiri Guuleed.
Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Wadahadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in kulankan uu qeyb ka ahaa la tashiyada ku saabsan wadahadal lala galo Somaliland