Nin uu Trump u magacaabay Maxkamada sare oo la sheegay inuu isqaawiyey

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa cambaareeyey eedeymo cusub oo la xiriira anshax-darro, oo haweeney ay u soo jeedisay garsoore Brett Kavanaugh oo madaxweyne Trump uu u magacaabay maxkamadda sare ee Mareykanka.

Wargeyska New Yorker ayaa axaddii weriyey in laba senator ay baarayaan eedeymaha ay haweeney u soo jeedisay Kavanaugh ee ah inuu isku hor qaawiyey xilligii ay wada dhiganayeen jaamacadda Yale.

Deborah Ramirez oo 53 jir ah ayaa wareysi ay bixisay ku sheegtay in Kavanaugh inuu isku hor qaawiyey.

Kavanaugh ayay ku eedaysay inuu xubinta tarankiisa taabsiyay wajigana kaga xoqay iyaga oo ka wada qayb galay xalfad lagu qabtay qol ay ardaydu daganaayeen, arrintaasina ay dhacday iyadoo uusan wax ogolaansho ah ka helin.

Afhayeen u hadlay aqalka cad, Kerri Kupec ayaa cambaareeyey hadalka Deborah, waxaana uu yiri “eedeyntan aan la hubin ee 35 jirka ah, waa isku daygii ugu dambeeyey olole ay ka dambeeyaan dimoqraadiga, oo dhulka lagu dhigayo nin wanaagsan”.

“Eedeyntan waxaa beeniyey dhammaan dadkii goobta joogay waqtigaas, waxayna kasoo horjeedaan waxa dadka yaqaan ee la dhigtay Jaamacadda ay ka sheegeen Kavanaugh, aqalka cad wuxuu si buuxda u garab taagan yahay garsoore Kavanaugh” ayuu yiri Kerri Kupec.

Barafasoor Christine Blasey Ford ayaa toddobaadkii hore sheegtay in Kavanaugh uu tacaddi galmo u gaystay 1982, waxayna ogolaatay in ay Khamiista hor tagto guddiga caddaaladda ee aqalka Senate Maraykanka si ay uga horcaddayso eedaymaha ay soo jeedisay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -