Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Daawo: Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi oo ka hadlay qaraxii uu ka badbaaday

Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi Mudane nuur maxamed absuge (Nuur dheere) ayaa ka warbixiyey weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Al-shabaab ka geeysteen degmada Jalalaqsi ka dib markii ruux isa miidaamiiyey uu isku qarxiyey maqaayad uu ku sugnaa isaga , masuuliyiin kale iyo dad shacab ah.

Gudoomiyaha ayaa xusay in weerarkan uu cadeyn u yahay in Al-shabaab ay quus marayaan, isagoo xusay in la dhameeystiri doono maalmaha soo socdana laga Si feeyn doono meelaha ay ku hareen.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in dhaawac fudud uu ka soo gaaray qaraxaas, balse shan ilaaladiisa ka mid ah ay ku dhinteen qaraxa, 9 kalena kaga dhaawacmeen isagoo intaa ku daray in bartilmaameedku uu ahaa isaga, lana doonayay in la khaarajiyo.

Nuur Dheere oo horey u ahaan jiray taliye ciidan ayaa isaga iyo ciidan kiisuba waxay qayb libaax ka qaateen dagaalka Gobolka Hiiraan badankiisa looga saaray Al-Shabaab.

HOOS KA DAAWO HADALKA GUDOOMIYAHA

Related posts

Ciidanka Israel oo falal argagax leh ka wada woqoyiga Gaza (Sawirro)

Caydiid Ali

Guur fadeexad abuuray oo ka dhacay Sacuudiga & Maxkamad xukun ka soo saartay

Caydiid Ali

Arrin Mucjiso ah oo la soo deristay qoys Soomaaliyeed oo xoolo dhaqato ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---