Guur fadeexad abuuray oo ka dhacay Sacuudiga & Maxkamad xukun ka soo saartay

Nin u dhashay dalka Sacuudiga ayaa lagu soo warramayaa in uu furay xaaskiisa ka dib markii uu ogaaday in aabihii uu si qarsoodi ah u guursaday gabadhaas 10 sano ka hor.

Gabadhan Waxay wiilka oo ay wada joogeen lix sano u dhashay canug.

Waxay fadeexaddan soo ifbaxday markii wiilka uu meher xaday gabadha isaga aysan qoyskiisa ogeyn, lix sano kadib ayuu go’aansaday in qoyskiisa soo baro gabadha.

Markii uu geeyay guriga qoyskiisa waxaa isku naxay aabihii oo sheegay in gabadhan ay 10 sano ka hor xaaskiisa aheyd xilli uu meher xaday.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Sucuudiga, Cabdullaahi Al Mutlaq oo ah oo ah la taliyaha maxkamadda boqortooyada kana mid ah golaha culimada sare ayaa soo saaray fatwo ku saabsan dhacdadan ay dadka hadal hayeen oo ku aadan nin guursaday xaas ay hore u wada joogeen aabihii isagoo aan ogeyn.

Sheekha wuxuu go’aamiyay in ninka uu durbadiiba furo xaaska isla markaana canuga ku dhashay guurkaas uu yahay xalaal maadama uusan ogeyn.

Shareecada Islamka ayaa xaaraantimeysay in ninku guursado xaas uu aabbihiis horey u soo guursaday, waana taas sababta keentay fashilka guurkan oo si weyn looga hahad hayo sacuudiga

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -