Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo Warbixino ka dhegeystay dhowr Wasiir

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada, kaas oo lagaga hadlay qodobo kala duwan oo quseeya amniga, caafimaadka, iyo xanaanada xoolaha.

Wasaaradda Amniga Gudaha waxay ka warbixisay xaaladda amniga ee deegaanada Jubaland, iyadoo xustay shaqooyinka baaxadda leh ee ay qabteen hay’adaha amniga iyo ciidamada kala duwan ee Jubaland. Waxay sidoo kale sheegtay in gacanta lagu dhigay koox ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo abaabulayay falal lagu dhibaateyn lahaa shacabka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa soo bandhigtay qorshaha lagu aas-aasayo hay’ad ka shaqaysa dabagalka iyo hubinta tayada daawooyinka soo gala Jubaland, si loo hubiyo in adeegyada caafimaadka ay noqdaan kuwo tayo sare leh.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta, iyo Daaqa waxay diyaarisay 10 xarumood oo lagu kaydiyo calafka xoolaha. Sidoo kale, 12-kii bilood ee la soo dhaafay, wasaaraddu waxay tallaashay 4,000,800 oo neef, si loo hubiyo badqabka xoolaha iyo ka hortagga cudurrada faafa.

Related posts

Maareeye oo eedeyntii ugu horeysay u jeediyey Xukuumada Raisul Wasaare Rooble

Caydiid Ali

Maxay tahay ujeedada wafdiga dowlada Somalia ee maanta tagay Magaalada Garoowe?

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo Maamuusay madaxdii iyo Masuuliyiintii ka qeyb gashay kulankii Wadatashiga (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---