Daawo Sawirada: Ciidamada Cusub ee maanta la wareegay amaanka garoonka Dhuusomareeb

Ciidamada milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa maanta si buuxda ula wareegay amaanka garoonka Diyaaradaha magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug.

Garoonka ayaa waxaa horey ugu sugnaa ciidamo katirsan Ahlu Sunna oo ka amar qaata Sheekh Shaakir, waxaana ciidankii garoonkaasi ku sugnaa sanado maanta laga qaaday garoonka iyo hareerihiisa.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya oo maanta soo gabo gabeeyay safarkii uu ku joogay magaalada Dhuusomareeb ayaa kormeeray garoonka iyo goobaha kale ee la wareegeen ciidamada Danab.

Xasan Cali Kheyre ayaa saraakiisha iyo ciidamada la wareegay amaanka garoonka diyaaradaha Dhuusomareeb kula dar daarmay in ay ka shaqeeyaan amaanka garoonka sidoo kale ka fogaadaan wax kasta oo dhibaato abuuri kara.

Ciidamada ka amar qaata dowlada federaalka Soomaaliya ayaa shalay si buuxda loogu wareejiyay amaanka magaalada Dhuusomareeb inta uu socdo dhismaha maamul loo dhan yahay oo Galmudug yeelato.

?????????????

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -