Shil foolxun oo ka dhacay Muqdisho & dhimasho iyo dhaawac ka dhashay

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku naf waayey mid kalena dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii manata barqadii uu shil fool xun ka dhacay wadada Via Roma gaar ahaan isgoyska Martiini eek ala qeybiya degmooyinka Xamar-weyne iyo Xamar jajab.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in shilkan uu yimid ka dib markii gaari xamuul ah uu jiiray labo mooto bajaaj oo ka mid ahaa gaadiidkii wadada marayey.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa kala ahaa darawalkii waday mid ka mid ah labada mooto iyo qof rakaab ahaa.

Meydadka labada qof ee shillkan ku dhintay ayaa muddo saacado ah yaalay goobta markii la waayey cid aqoonsata, inkastoo markii dambe la qaaday.

Dhiig fara badan oo ka baxay dadka dhimashada iyo dhaawacu ka soo gaareen shilkan ayaa lagu arkayey mootooyinka shilka galay dushooda iyo dhulka.

Sawirro goobta laga soo qaaday ayaan akhristayaasheena uga cudur-daaraneynaa inaan u soo bandhigi Karin sababo la xiriira sida foosha xun ee uu shilkan u dhacay oo ah wax laga argagaxo.

Inkastoo dilalka iyo shilalku ay horey uga dhici jireen Magaalada Muqdisho ayaa haddana waxaa maalmahan ku soo kordhay dhacdooyin argagax iyo uurkutaalo leh oo isxigxigay kuwaasoo shacabku ay si weyn u hadal hayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

- Advertisement -