Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo Cunaqabateyn adag kusoo rogay Cabdiweli Maxamed Yuusuf

Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn kusoo rogtay Cabdiweli Maxamed Yuusuf oo ah madaxa xafiiska maaliyadda ee maleeshiyada Daacish ee Soomaaliya.

Cabdiweli Maxamed Yuusuf ayaa lagu eedeeyay inuu kaalin muhiim ah ka qaaday gaarsiinta dagaalyahannada ajaanibta ah, saadka iyo saanad kale oo ay Daacish u soo wakiilatay.

“Xafiiska Ilaalinta Hantida Dibadda ee Waaxda Maaliyadda Mareykanka waxay cunaqabateyn kusoo rogtay Cabdiweli Maxamed Yuusuf, oo ah madaxa xafiiska maaliyadda ee ururka Daacish ee fadhigeedu yahay Soomaaliya” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay waaxda Maaliyadda Mareykanka.

Qeybtii hore ee sannadii 2022 iyo 2021, Daacishta Soomaaliya ayaa qaadday lacag lagu qiyaasay 4.5 milyan oo doollar, taas oo ah lacago baad ah oo ka aruursatay ganacsiga iyo gacansatada gudaha, soo dejinta, daaqsinka iyo beeraha, sida ay sheegtay waaxda Maaliyadda Mareykanka.

Tallaabadan ayaa Mareykanku ku tilmaamay inay muujineyso ‘taageerada Maraykanku u hayo saaxiibadiisa dadaalka ay ugu jiraan ka hortagga maalgelinta argagixisada iyo xoojinta amniga qaranka iyo gobolka.”

Related posts

Kuuriyada Koonfureed oo Gantaalo ku riday Diyaarad laga leeyahay dalka Ruushka

Cabdi Cade

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo booqday Xabsiga Dhaxe ee Xamar (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxwewyne Deni oo kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---