Allbanaadir.com
NEWS

Taliye Shub oo shaqada ciidanka ka eryay 32 askari kana hadlay Sababta keentay

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in aan loo dul qaadan karin in ciidanka dowladda, gaar ahaan kuwa Asluubta ka mid ahaan askar cabtooy ah oo isticmaasha muqaadaraadka maanka-dooriya.

Jeneraal Shub ayaa sheegay in xashiishka isticmaalkiisa uu  mamnuuc ka yahay gaal iyo islaamba, waxa uuna wax laga xumaado ku tilmaamay in ciidanka dowladda ay isticmaalaan xashiish sidoo kale waddooyinka la taagan yihiin calaq.

Waxa uu sheegay taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya in shaqada ciidanka Asluubta uu ka eryay labo maalin gudahood 32 askari oo katirsanaa ciidanka, kuwaa uu sheegay in ay ahaayeen cabtoy isticmaasha xashiishka.

Jeneraal Mahdi Cabdiraxmaan ayaa sheegay in ka go’antahay in ciidanka Asluubta ka ruqseeyo dhammaan askarta idticmaasha maan-dooriyaha sida xashiishka iyo calaqa, waxa uuna xusay in askar badan oo cabtow ah ka doorbidayaan boqol askari oo nadiif ah.

Ciidanka nuucyadiisa kala duwan ee dowladda ayaa waxaa ku jira askar badan oo isticmaasha waxyaabaha maanka-dooriya nuucyadooda kala duwan, waxa ayna askrtan mararka qaar ku kacaan falal amniga lidi ku ah waxna u dhimaya anshaxa ciidanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Villa Somalia oo Faahfaahisay Ergayga loo Magacaabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Waxa uu qabanayo

Cabdi Cade

Daawo:-Guusha Soomaaliya iyo Gudoominta shirka 75-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay

Cabdi Cade

Wasiiro & Xildhibaano ka hor yimid Xeerka Metelaadda Gobolka Banaadir (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---