Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Dowladda oo dilay xubno badan oo katirsan Al Shabaab ay ku jiraan Ajaaniib (Sawirro)

Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgal qorsheesan oo ay ka sameeyeen deegaano dhaca galbeedka degmada Waajid ee gobolka Bakool ,waxa ay ku dileen dagaalyahanno badan oo katirsan kooxda Al Shabaab.

Gudoomiyaha degmada Waajib Maxamed Macalin Yuusuf oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay 25-dagaalyahan oo katirsanaa Al Shabaab, kuwaa uu sheegay in ay maleegayeen dhibaatooyin shacabka ka dhan ah.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha degmada Waajid in dadka lagu dilay howlgalka ka dhacay duleedka Waajid ay ku jiraan shan nin oo ajaaniib ah, kuwaa uu tilmaamay in ay dhibaato ku hayeen shacabka deegaanka.

Ciidanka dowladda ayaa howlgalo ka fuliya deegaanno katirsan gobolka Bakool ay ku xoogan yihiin Al Shabaab , waxaana howlgaladaasi mararka qaar waxyeelo lagu gaarsiiyaa dagaalyahnno katirsan kooxda Al Shabaab .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka Taliban oo codsi xasaasi ah u diray dowladaha Mareykanka iyo Yurub

Caydiid Ali

Shirkii Qaahira oo soo idlaaday iyo Khilaaf hareeyey Ergooyinka Carabta iyo Reer Galbeedka

Cabdi Cade

Israel oo Xamaas ku eedeysay iney jebisay qodobo ka mid ah heshiiskii xabad joojinta

Caydiid Ali
Taboola Ads ---