Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Laftagareen: “Raxaweyn ayaa ugu xaasidsan dadka ku jira Al-Shabaab”

Madaxweynaha K/Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen ayaa markii ugu horeysay ka hadlay go’doonka ay Al-Shabaab ku heyso magaalada Baydhabo.

Laftagareen oo ka hadlayay shirka Golaha Wasiirrada ee maamulkisa ayaa sheegay in dadka ka soo jeeda Raxanweyn ee ku jira Al-shabaab ay yihiin kuwa ugu xaasidsan uguna daciifsan ee ku jira kooxda, marka la eego dhiggooda beelaha kale ee ku jira kooxdaas

“Kuwa degaanka u dhashay ee ku jira argagxisada waxay raali ka noqdeen in hooyooyinkood iyo caruurtooda oo halkan jooga uu nin kale oo Soomaali ku qanciyo waa la cuna-qabateynaa, halka dadka kale ee kooxda kula jira aysan ogoleyn in cuna-qabateyn la saaro meelaha ay ka soo jeedaan,” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Waxaa uu xusay in kuwa doqonsan ee ku jira Al-Shabaab ay yihiin dadka ka soo jeeda beelaha Raxanweyn.

“Nin lagu qancinayo hooyada iyo aabaha waa la go’doominaa, hooyadey iyo aabaheyna lama go’doominayo oo aan Raxanweyn aheyn lagama helayo Soomaali ama Shabaab dhexdooda” ayuu intaas ku daray.

HOOS KA DAAWO HADALKA LAFTAGAREEN

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaanad Dhiirogelin ugu tagtay Ciidamada Beesha Murusade ee jooga jiida dagaalka (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxkamada sare ee Kenya oo loogu baaqay in ay Laasho Kiiska Dacwada Badda ee ..

Cabdi Cade

Daawo :-Dhaqanka & Siyaasiyiinta Galmudug oo marti qaaday Musharax General Tuuryare

admin