Masjid loo dhibaateeyey una xirmay Islaam-naceyb oo dib loo dayactirayo !

Tallaab garab istaag iyo gacaltooyo leh ayay ku timid in adduun dhan $10,000 loo ururiyo in lagu dayactiro Masjidka New Mexico kaas oo dhowr jeer lagu soo qaaday weerar – ugu dambeyntiina lagu qasbay in albaabada la iskugu dhifto.

Dad naceyb u qaba Islaamka  ayaa dhowr jeer gudaha usoo galay Masjidka iyaga oo burburiyay wax walba oo dhex yiil. Waxayna sidoo kale jeexjeexeen kutubta Qur’anka. Waxaana gidaarrada Masjidka lagu qoray ereyo naceyb ah oo ka dhan ah Islaamka iyo Muslimiinta.

Waxa xanuunka badan ayaa ah in kooxda kusoo duulay Masjidka ay khamri ku shubeen kutubada – sidoo kalana ay ku dhex kaadsheen gudihiisa. Kooxda xagjir Caddaanka ah oo la yiraahdo Ku Klux Klan ama KKK ayaa falkaas foosha xun ka dambeeyey.

Ol’olaha dib loogu dayactirayo ayaa lagu qiyaasay inay ku kici karto $40,000, waxaana ilaa hadda gacanta lagu hayaa  lacag ka badan 10,000 kun oo dollar.

Dadka naceybka u qaba Islaamka iyo Muslimiinta ee falkan ka dambeeyey waxay sidoo kale astaanta diinta Kirishtanka iyo magaca Nabi Ciise CS oo ay iyagu u aaminsan yihiin inuu wiilka Ilaahay yahay ayay ku xardheen gidaarrada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -