Allbanaadir.com
NEWS

Nin dil ka geestay Muqdisho oo gacanta lagu dhigay iyo Booliiska oo ka hadlay

Ciidanka booliiska gobolka Banaadir ,gaar ahaan kuwa ka howlgala degmada Dharkeenley ayaa gacanta ku dhigay nin lagu eedeeyay in uu fal dil ah geestay.

Ninkan ciidanka booliiska qabteen oo ku jiray baxsad ayaa lagu eedeeyay in uu dilay wiil dhallinyaro ah, waxa uuna ninkan dilka geestay katirsanaa ciidanka xoogga dalka.

“16/7/2023 abaaro 12:15pm taliska qeybta guud ee boliiska gobolka Banaadir gaar ahaa saldhiga boliiska dharkeynley ayaa gacan kusoo dhigay eedeysane oo fal dil u geystay wiil yar, eedeysanaha waxa uu ka tirsan yahay ciidanka xooga dalka ,Waxaana la hor geyn donaaa caddaalada” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay booliiska.

Ciidanka booliiska ee howl gala magaalada Muqdisho ayaa marar badan gacanta kusoo dhigay kooxo hubeesan oo ku eedeesan in dilal ka geesteen qeybo kamid ah Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mucaaradka Somaliland oo ka hadlay geeridii ku timid Marxuum Eng. Yariisow

Caydiid Ali

Villa Soomaaliya oo shaki badan ka muujisay Shirkii Dhax maray Rooble iyo Qoor Qoor

Cabdi Cade

Abiy Axmed oo shaaciyay xiliga lasoo gaba gabeenayo Howlgalka ka socday Gobolka Tigrey

Cabdi Cade